DEG DEG:Boqolaal kun oo ka qaxay magaalada JigJiga oo gudaha u galay dalka Jabuuti & Bartilmaameed cusub oo ku bilowmay dadka kasoo jeeda Qoomiyada…

JIGJIGA(P-TIMES)- Rabshadaha saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalooyin ka mid ah dowladd deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa sabab u noqday in ay barakacaan kumanaan ruux si aysan dhibaato u soo gaarin.

Qaar kamid ah warbaahinta caalamka iyo dad ku sugan Jig Jiga ayaa waxa ay sheegayaan in dad badan ay ka baraceen rabashadahaas oo ka socda Magaalooyinka Jigjiga iyo diridhaba ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Qof ku hadlayey luuqada afka Oromada ayaa sheegay in 10,000 qof ay u qaxeen dalka Jabuuti iyaga ka cararaya xasilooni darada ka jirta deegaanka Shiniile ee dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo deegaanada kale ee rabshaduhu ay ka jiraan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamada militarigu ay qaadi doonaan dhamaan talaabooyinka lagama maar maanka ah si ay u ilaaliso nabad gelyada gobolka Soomaalida ee ku yaal Bariga dalkaasi Itoobiya, kadib markii isku dhacyo qoomiyadeed ay galaafteen nolosha ugu yaraan 10 qof.

Leave a Comment