DEG DEG:Ciidamada Itoobiya oo weli gacanta ku haya JigJiga & Liyuu Booliskii oo banaanka ka jooga magaalada kadib markii….

GAROOWE(P-TIMES)-Xaaladda magaalada JigJiga ee xarunta dowladd deegaanka Soomaalida ayaa maanta degan, waxaana halkaasi hawlgalo kawadda Ciidamada Milatrariga dowladda dalka Itoobiya.

Ciidamada Milatariga Itoobiya ayaa weli gacanta ku haya magaalada JigJiga, waxaana guud ahaan magaalada laga saaray Ciidamadii Liyuu Booliska.

Qaar badan oo kamid ah dadkii degenaa magaalada JigJiga ayaa gobollada kala duwan u kala jihaystay.

Ammaanka magaalada Jigjiga ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana haatan taagan cabsi xoogan.

Sidoo kale boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada xadka ku taala ee Wajaale ayaa u talaabay dhanka deegaanada Somaliland, inkastoo aysan dhibaato ka dhicin halkaas hadana dadka ayaa ka cabsi qaba in rabshadihii ka dhacay magaalada JigJiga Sabtidii ay halkaas ku faafaan.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada