DEG DEG:Ciidamada ugu badnaa ee Liyuu Booliska oo afka saaray JigJiga & Gaadiid dagaal oo kusii qul qulaya deegaanada….

HARGEYSA(P-TIMES)-Ciidamada Liyuu Booliiska ee dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka baxay xero ay ku laahayeen magaaladda Baligubadle ee dhinaca xuduuda Ethiopia.

Ciidamadan ayaa sida ay dadka deegaanku u xaqiijiyeen warbaahinta ayaa waxa ay u jihaysteen ciidamadani dhinaca deegaanka Shiilaabo, iyaga oo dhexda kasii ka xaystay shan Baabuur oo kusoo jeeday dhinaca Somaliland.

Marka laga yimaado baabuurta ay ka xaysteen ciidamadani ma jirto dhibaato kale oo ay dadka u gaysteen, hasa yeeshee wararku waxa ay sheegayaan iminka in cidi ku sugnayn xeryihii ciidamadaasi ka baxeen.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Wajaale ayaa sheegaya in isla ciidamada Liyuu Booliisku ay faaruqiyeen laba xero oo ay ku lahaayeen degmada Wajaale, kuwaas oo afka saaray dhanka magaalada JigJiga.

Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ka kaxaysteen deegaankaasi laba gaadhi oo laga lahaa degmada Wajaale.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Boolisku ay afka saareen dhanka deegaanka JigJiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana arintani ay timid kadib markii dhawaan xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar isla markaasna xiisad dagaal ay haatan ka taagan tahay magaalada JigJiga ee xarunta Soomaalida Ethiopia taas oo u dhaxaysa shacabka deegaanka iyo ciidamada Ethiopia kadib weerar af gambi ah oo ka dhacay deegaankaasi.

Leave a Comment