DEG DEG:Colaadii u dhaxaysay Puntland & Somaliland oo soo rogaal celisay Iyo Xabada oo afka ka bixin caawa Tukaraq

Wararka ka imaanaya jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq xoogan uu caawa ka socdo jiida Tukaraq.
Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in madaafiicda dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ay isku diyaarsadeen ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Saraakiishii ugu badnayd ee ciidamada Puntland ayaa caawa ku sugan jiida Tukaraq, waxaana lasoo sheegayaa in xabadu afka bixin.
Waxaa sidoo kale meesha ka baxay wada hadaladii nabadeed ee Beesha Caalamku ay ka dhex waday dhinacyada Puntland iyo Somaliland, taas oo ka dhigan in dagaalo culus mar kaYukaele dhex mari karaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Madaxda Puntland iyo Somaliland ayaa mid walbaaba weli kusii adkaysanayaa mawqifkiisa, waxaana xaalku hada yahay mid aad u cakarin.

Leave a Comment