DEG DEG+DAAWO: RW Soomaaliya oo shaqadii ka joojiyey Wasiir kuxigeenkii Arrimaha dibada ee lagu eedeeyey Musuqmaasuqa.

MUQDISHO(P-TIMES)- Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiir kuxigeenkii wasaaradda Arrimaha dibada ee SOomaaliya oo dhawaan lagu eedeeyey musuqmaasuq, waxaana hadda dabcan ay u muuqataa in uu wajahayo Maxkamad.

Ra’iisulwasaaraha ayaa shaqo joojintiisan ay ku beegan tahay in xasaanada laga qaado wasiir kuxigeenka, si u hortago Maxkamad uu iskaga difaacayo eedaha la xariira Musuqmaasuqa ee lagu haysto.

Xeer Ilaaliyaha, Hanti Dhawraha guud iyo Maxkamadda Sare ayaa ku eedeeyey Wasiir kuxigeenkan in uu galay dambi Khiyaamo Qaran, isagoo hadda wajahaya Maxkamad dacwadiisa qaadaya…RIIX HALKAAN SI AAD UD HAGEYSATO

Leave a Comment