DHAGAYSO:Magaalada JigJiga oo Soomaali badan lagu jar jaray & Hilibkoodii oo meel walba daadsan “Ciidamada Ethiopia ayaa qayb ka ah xasuuqa lagu hayo shacabka”

DIRE DAWA(P-TIMES)-Inta la xaqiijiyay maydka 8 qof oo Soomaali ah ayaa laga helay degmada 6-aad ee magaalada JigJiga ee xarunta dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO COKA

Dadkan ayaa la xaqiijiyey in ay dileen Oromo ku xaraysan Kaniisad iyo Xero dawladeed oo ku yaala Badhtamaha magaalada JigJiga.

Qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Jigjiga ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in dadkaasi qaarkooda la jar jaray.

Ciidamada Liyuu Boolis oo galay Kaniisadda oo dadkii Oromadda ahaa ay xalay ka baxeen ayaa soo bixiyay maydadkani.

Dadkan ayaa la sheegay in laga qabtay xaafad kamid ah magaalada JigJiga intii ay joogeen Ciidamada Milatariga isla markaasna la geeyay qaarkood Kaniisad halka kuwa kalena la geeyay xero ciidanka Itoobiya ay leeyihiin oo halkaasi lagu dilay.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO COKA

Dhacdadan ayaa timid xilli shalay iyo maanta ay degan tahay xaalada magaalada JigJiga ee dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya, waana mid la yaab ku noqotay shacabka deegaanka.

2 Comments

  1. will oog says:

    ALLE HA U NAXARIISTO..SHACABKU SOMALIDU MEEL KASTA WAY KU DULMAN YIHIIN. MAXAMED SIYAAD BARRE AYAA XASUUQEEY, ABDI ILEY BAA XASUUQEY, CAYDIID BAA LAAYEY EE HADDANA MA OROMAA?? WAXBA KAMA MACNO AHAN, INTUU ABDI ILEY LAAYEY, INTUU JID-DILEEY, INTUU IYAGOO NOOL AASEEY IYO DUMAR NAASAHA KA GOYEEEY IYO INTUU JEEL-OGAADEEN KU CIQAABEY MA GAADHI DOONAAN EE QAYLADA ISKA DAAYA.

    ABDI ILEY SOMALIDII UU XUKUMAY KA DHIGEEY WUXUU GUMAADEEY, WUXUU XIDHEEY IYO WUXUU DULEEYEY, MIYAA MAANTA OO AY KU XUMAATEY IGU BEERLAXOWSANAYA YAA SOMALI AHEEY, YAA OGADEN AH EEEY.

    COLLOOL NUGULAAA…MEESHAAN NINKAAN HA ISAGA TAGO, MIDKALE OO SOMALI AH OO AAN OGADEN AHAYNA HA LA SAARO,,,DADKA IYO DALKANA NABAD HA LAGU SOO CELIYO. TAASAA SAX AH

    • Anonymous says:

      Been maad sheegin wallhi wa maakasabat aydiikum sheekada Somali Ethiopia kasocotA se.inagu waakanaxaynaaye alle cadowga hakaqabto

Leave a Comment