DEG DEG:Isimadda deegaanada SSC oo mowqif adag ka istaagay wada hadalada Somaliland & Puntland Iyo Dagaalo ka dhacay Jiidaha hore ee Tukaraq kadib markii…..

GAROOWE(P-TIMES)-Xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhex wadeen Puntland iyo Somaliland xubno ka socda Beesha Caalamka, Qaramada Midoobe iyo Urur Goboleedka IGAD dadaalo nabadeed isla markaasna magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ay ku noq noqonayeen xubnahaasi si xal waara looga gaadho xiisadaha ka dhex aloosan labada dhinac ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay qaar kamid ah ismadda dhaqanka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo goor dhoweyd waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa ka hadlay kulan dhex maray iyaga iyo xubno ka socda Urur Goboleedka IGAD, waxaana uu sheegay Garaadku in labada dhinac ay kawada hadleen xal u raadinta xiisadaha ka taagan gobolka Sool ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Garaad Mashqare ayaa sheegay in ay weli kusii adkaysanayaan mawqifkooda kaas oo ah dagaal ka dhan ah ciidamada Somaliland iyo gobolka Sool guud ahaanba in awood dagaal lagaga qabsado Somaliland, waxaana uu xusay in ay isku af garan waayeen kulankaasi labada dhinac kadib markii ay ku kala qaybsanaadeen aragtida xiisadaha gobolka Sool.

Garaadka ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay soo qaadeen labo dagaal oo culus iyo weeraro ay la bartilmaameedsadeen saldhigyada ciidamada Puntland isla mar ahaan taana hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu magaalada Hargeysa kaga dhawaaqayo nabad halka ciidamadiisuna ay weerar yihiin waa sida uu sheegaye iyana ay ka xigaan gardarada Somaliland dagaal xoogan oo lagaga saarayo gobolka Sool.

Goor dhow naga filo waraysiga Garaad Mashqare oo dhamaystiran

 

Leave a Comment