DEG DEG:Wararkii ugu dambeeyey ee JigJiga & Diyaarado dagaal oo lagu arkay….

BOOSAASO(P-TIMES)-Dad weyanaha ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa ku sugan xaalad hubaanti la’aan ah oo ay dhagaha u tagaayaan waxa dhici karo iyadoo dhawaan gobolkaasi ay rabshado ka dhaceen.

Labo diyaaradeed oo kuwa dagaalka ah ayaa maanta lagu arkay hawada magaalada Jigjiga.
Shir ayaa hadda ka socdaa dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta ka tirsan xisbiga talada haya balse lama sheegin arrimaha laga hadlayo kulankaasi.

Inkastoo magaalada Jigjiga meelaha qaar goobaha ganacsiga maanta la furay.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dadka kasoo jeeda qowmiyadaha kale ee ku sugan gobolka inay u qaxeen dhanka magaalooyinka Harar iyo Addis ababa.

Ciidammada Liyu boolis ee ku sugnaa deegaan u dhaw magaalada Dhagax-buur inay ka baxeen halkaasi ka baxeen oo ay gaadheen deegaanka Shilaabo.

Leave a Comment