DEG DEG+XOG:Ismaaciil Cumar Geelle & Xasan Cali Khayre oo Khartoum ku kulmaya Iyo Arinkii Madaxweyne Farmaajo oo…..

MUQDISHO(P-TIMES)-Xoggo rasmi ah oo uu ka helayo Warsidaha Puntlandtimes.com safarkii Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu ku tagay magaalada Khartoum ee waqooyiga dalka Sudan ayaa sheegaya in Mr. Khayre ay ku kulmi doonaan gudaha magaaladaasi madaxweynaha dalka Jibouti Ismaaiil Cumar Geelle oo haatan dowladdiisu khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo dowladda madaxweyne Farmaajo.

Qorshaha lagu diray Xasan Cali Khayre si uu uga qayb galo shirka ka furmaya magaalada Khartoum ayaa salka ku haya in uu Soomaaliya u matalo dhex dhexaadinta laga dhex wado hogaamiyaasha ku loolamaya talada Koonfurta dalka Sudan, waxaana qorshaha safarkaasi uu ahaa markii hore madaxweyne Farmaajo inkastoo markii dambe la badalay isla markaasna uu safarka dhanka cirka ah ku tagay Waqooyiga Sudan Ra’iisal waasare Xasan Cali Khayre.

Ujeedooyinka safarka Khayre oo warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa sheegaya qorshaha uu yahay in madaxweyne Geelle uu ka raali galiyo hadal kasoo yeedhay madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale xidhiidhka cusub ee ka dhex bilowmay dowladdaha Erataria iyo Somalia, taas oo meel xun gaadhsiisay xidhiidhkii iyo wada shaqayntii ka dhaxaysay dowladdaha Somalia iyo Jibout.

Dowladdaha Erataria iyo Jibouti ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf xoogan iyo dagaal dhanka xuduudaha ah, waxaana dalka Jibouti ay u aqoonsan tahay cid walba oo garabsiisa dowladda Erataria mid duulaan ku ah qaranimada dalka Jibouti, waxaana Khayre uu hada xooga saarayaa sidii uu u soo celin lahaa xidhiidhkii ka dhaxeeyey Jibouti iyo Somalia.

 

Leave a Comment