DFS oo cadaysay mowqifkeeda khilaafka ka dhaxeeya Sacuudiga Iyo Canada

MUQDISHO(P-TIMES)-Xilli uu soo baxay khilaaf Cusub oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Canada ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay taageero u muujisey Dowladda Soomaaliya, ka dib War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka oo ku qornaa Luuqada Carabiga ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay adkeyneyso taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.

Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladaha Canada iyo Sacuudiga,waxana la ogeyn waxa ay dowladda Canada ka yeeli doonto hadalka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DFS oo cadaysay mowqifkeeda khilaafka ka dhaxeeya Sacuudiga Iyo Canada

  1. anoo ah canadian somali waan ka xumahay hadalka ka soo yeeray dowlada federalka somali.in ey soo dhex gasho khilaafka ka dhexeeyo sacuudiga iyo waden kayga canada..runtii aad iyo aad baan u jeclahay canada..nolosha aan ku heysto somaliya kama heli karo…sacuudiga uma arko in ey yihiin walaalahay waa waden lagu gumeysto umada somaliyeed waan tagay 2003..waan arkay nolosha dadkeyga ku nool yihiin carab waloolo ma nihin…farmaajo iyo wixii lamid ah runta waxaa weeye dad kaada wax u qabo oo hasoo dhex galin meel aan laguu dirsan waa waxa lagu yaqaan farmaajo,,,war alshabaab ka saar somaliya oo isku keen umada somaliyeed taas baa ah shaqadaada…duli baad tahay…canada waxa ey u qabatay umada somaliyeed waden u qabtay dunida wajiro,,we are free here in canada,,farmaajow muqdisho kaliya baad nabad ka dhigi ladahay ,,,

    Reply
  2. Farmajo iyo saxiibadiis ma yaqaanaan waxa loo doortay iyo ciday matalaan. Meel aan boos uga banaaneeyn ayuu xaluushay. Karti ay uga hadlaan oromoda somalida xasuuqaysa maleh dhamaantood. Waa wada raadiye cidii doonta daaranayso oo say doonto uga dhawaajiso markay jebka kumiyaal ugu shubaan. Somali ma gudi kadho abaalka kanada iyo maraykan iyo ingiris iyo reer yurub ku leeyihiin. Carab waa dameer walaal ku dhahaya markuu garab kaarabo. Yaan lala yaabin farmaaajo iyo seedigiis waa iska duduble iyo mareexaan mala awaalsan

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada