DHAGAYSO:Juxa oo weeraray dowladda federalka Somalia & madaxda dalka “Go’aankii dowladda ay ku taageertay Sacuudiga waxa uu u muuqdaa mid lagu qasbay”

GAROOWE(P-TIMES)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo habeenkii xalay ahayd magaalada Garoowe kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxtinimada Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilay go’aankii ay ku taageertay dowladda Sacuudiga oo khilaaf xoogan uu xiligan kala dhaxeeyo dowladda dalka Canada. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA JUXA

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda aysan wanaagsanayn in xilligan ay faraha la gasho arrimaha khilaafka labada dowladood balse ay u muuqatay mid lagu qasbay.

“Waxaa ii muuqda aniga runtii aniga Siyaasada Arrimaha Dibedda oo ah mid qarda-jeex, waxa ugu dambaysay arrinta u dhaxaysa Sacuudiga iyo Canada waxayna iila muuqataa in uu yahay go’aankaas mid lagu qasbay” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Mr. Juxa.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA JUXA

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Canada ay Soomaaliya abaal fara badan u gashay isla markaasna Soomaali fara badan ay ku sugan yihiin dalkaasi, sidoo kalena Sacuudigu uu yahay dal Soomaaliya walaalo la’ ah taasina ay ku wnaagsanayd in faraha lala galo.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada