DHAGAYSO:Xabsiga dhexe ee Xamar oo la gaynayo ciidamo ka tirsan AMISOM

MUQDISHO(P-TIMES)-Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dalbaday in ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM la geeyo xabsiga dhexe ee Xamar si ay uga qayb qaataan sugida amniga xabsigaasi. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliya uu ka codsaday in Ciidamo AMISOM ah lagu soo xoojiyo xabsiga si ay amniga u xaqiijiyaan.

Waxa uu sheegay in tiro yar oo Booliska AMISOM ah ay joogaan balse loo baahan yahay Ciidamo kale oo ka socda AMISOM oo xoojiya,maadaama taliskii ciidanka Asluubta uu u gaaray xaruntiisa weyn ee ku taala duleedka Muqdisho.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ku jira dad badan kuwaas oo siyaabo kala dwuan loo soo eedeyey, haba ugu badnaadaane kuwo loo keenay dhaqan celin.

 

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada