LA YAAB:Halkii irbad oo deegaano kamid ah dalka Soomaaliya ka gaadhay Qiima ahaan Lacag dhan $50 Dollar kadib markii….

MUQDISHO(P-TIMES)-Waa qiimo aad u sareeya marka loo eego irbadaha la isku duro xitaa waddamada Hormuru maray ee Caalamka, hadaba magaalada Jowhar ee gobolka Sheballaha Dhexe ayaa waxaa la sheegayaa in irbada Raabiyada ah ay gaadhay qiimaheedu lacag dhan $50 Dollarka Maraykan.

Waxaa irbadaasi loo adeegsadaa in ay ka hortagto cudurka ku dhaca eyga taasi oo maalmihii dambe dad cun eeyo ah ay magaalada dad kala duwan ku dhaawaceen.

Ilaa 10 Qof ayaa la sheegay in ay eeyaha qaniineen xaafadaha Jowhar taasi oo ka dhigtay in irbada Raabiyada ah ay lacag intaasi la eg gaadho qiimaheeda.

Wasaarada Caafimaadka Hirshabelle weli kama aysan hadlin dhibta soo korortay iyo weerarada eeyaha ay qaadayaan xilliyada habeenkii ah.

Leave a Comment