Dawladda Faderaalka Itoobiya oo Madaxweyne cusub u soo magacowday Kilalka Soomaalida?

JIGJIGA(P-TIMES)-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka ee Itoobiya ay magacaabeen maanta Madaxweyne cusub oo la wareegaya awooda dawlad deegaanka Soomaalida, ka dib markii ay dhaceen isbedelo deg deg ah.

Wararku waxay sheegayaan in qaar kamid ah Mucaaradkii Cabdi Maxamuud Cumar oo ay qabteen ciidamada Itoobiya, ay hadda kulan deg deg ah ku leeyihiin magaalada Addis Ababa oo ay iska soo dhex dooran doonaan qof cusub oo talada la wareegaya.

Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya Axmed Shide ayaa goor dhaw ku dhawaaqay in Isbedel mug weyn lagu sameyn doono hanaanka maamul ee gobalka Soomaalida, wuxuuna cadeeyey in looga baahan yahay laamaha Amniga in ay soo celiyaan Amniga iyo kala dambeynta gobalkaas.

Shacab badan ayaa ka qaxay magaalada Jigjiga, sidaas oo kale ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee LIYUU POLICE ayaa kusugan deegaanka Cobale oo ku dhaw Jigjiga, halkaas oo ay u muuqdaan kuwa dagaalamaya haddii lagu qaado weerar.

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada