Golaha Xukuumadda Puntland oo ka hadlaya Arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Xaaladda gobalka Sool iyo Heshiiska Qaramada Midowbay wado.

GAROOWE(P-TIMES) โ€“ Xukuumadda Puntland ayaa maanta wada hadal ka leh arrimaha kusaabsan Heshiis ay garwadeen ka tahay Qaramada Midowbay oo ay doonayso in lagu soo afjaro dagaalada gobalka Sool, oo u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Somaliland, iyadoo ay saacadihii ugu dambeeyey wafdi ka socda Beesha Caalamka & Urur gobaleedka IGAD Kusugnaayeen magaalada Garowe.

Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa ogaaday in kulanka golaha Xukuumadda intiisa badan lagu soo qaadi doono aragtida ku aadan heshiiska ay doonayso beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin in la kala qaado ciidamada, In maxaabiista lala kala wareego iyo in loo diyaar garoobo Afti dadweyne oo laga qaado shacabka gobalada Sool & Cayn oo ay isku hayaan labada dhinac.

Xogtu waxay sheegaysaa in uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas shir gudoominayo kulankan, diiraddana lagu saarayo arrimahaas looga wada hadli lahaa, xili ay jirto kala aragti duwanaansho ay dhinacyadu qabaan.

Xukuumadda Puntland waxay wararku sheegayaan in ay diyaar u tahay in Afti laga qaado shacabka gobalka Sool, ayna doonayaan in ay Aftidan noqoto mid ay dhinacyada oo dhan qeyb ka yihiin oo xalaal ah, ka horna ciidamada Somaliland gabi ahaanba laga saaro gobalka.

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Golaha Xukuumadda Puntland oo ka hadlaya Arrimo xasaasi ah oo ku saabsan Xaaladda gobalka Sool iyo Heshiiska Qaramada Midowbay wado.

  1. MAJEERTENIA MASHRUUC & CIMRI DHEEREYSI BAY KA DHIGATEEY TUKARAQ..WAXAAN LEEYAHAY BEEN HA ISKU MAAWEELININA EE NABADDA QAATA. DAGAAL PUNTLAND WAA LA OGYAHAY IN AANAY AWOODIN WAQTIGAN HAATAN AH…MALEESIYO BEELEEDYADDII (SIDAA ADINKUBA QORTEEN) FRONTA WAA ISKAGA BAXEEN KA DIB MARKII AY KU JACTADEEN IYO KA DIB MARKII XANUUN IYO DAYAC KU DHACAY. NIN WALBA REERKIISII BUU ISKA AADEEY IYO MEESHUU KA YIMI..YAA MARKA MEESHAAN AAD LEEDIHIIN WAA KA DAGAALAMAYAAN??

    MA SIDA ADEER CAMEEY SHEEGAY BAA RUN AH OO WAA LA JABAHADEEN DOONAA OO MAJEERTEEN IYO PUNTLAND XUREYNTEEY KU BAAQI JIREEN WAA DHAMAATEEY????

    WAX KALE PUNTLAND MA HAYSATO OO AAN KA AHAYN INAY WAXOOGAAN NABADDA U EEG ISKA QAADATO, WAAYO CID DAMBE OO RUMAYSAN INAY PUNTLAND DAGAAL SOO QAADI KARTAA MA JIRTO..GOBOLKANA ISAGII BAA DHIB CUSUB GALAY..ABDI ILEY OO AY ISKU HALEEYNAYEEN WAA KAAS OO ASAGII BAA LA CUNEEEY…HADDAANEEY SOMALILAND LA NABDIN MAXAY KALOO HAYAAN??

    NABAD BAA CID WALBA DEEQDA

    Reply
  2. WEL DONE.
    HADDII PUNTLANDTIMES WARKA AY QORTAY RUN NOQDO INKASTA OO AAN LOOGA BARAN WARAR XAQIIQADA KU SALAYSAN.
    HADDII UU RUMOOBO QODOBKA AH AFTI HA LAGA QAADO DADKA DHULKA DEGAN TAASI WAXAY BILOW U NOQONAYSAA NABAD WAARTA OO AY KU NOOLAADAAN QARANKA SOMALILAND IYO MAAMULKA PL.
    WAANUNA SII BUSHAARAYSANNAY OO SIDAASAANU KU NOQONAYNAA DAL CAALAMKA LAGA ICTIRAAFSANYAHAY KUNA DHISAN XUDUUDIHIISII CAALAMIGA AHAA EE GUMAYSTUHU KA TEGAY.
    KKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKK
    WAA ARINKA AY SOMALIABA DIIDAYSO OO WAY OGTAHAY INAY NOQONAYSO NATIIJADA AFTI LAGA QAADO REER SOMALILAND 99%.
    PUNTLANDTIMES HADDII WARKAASI BEENOOBO IGA WALLAANAN KELMAD IDINKA RUMAYSANAYN.
    VIVA QARANKA SOMALILAND.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada