WAR DEG DEG AH+AKHRISO: Musharaxiinta M/weyne-nimada Puntland oo si adag u eedeeyey RW Kheyre, Hanjabaadna u diray.

GAROOWE(P-TIMES)- Madasha ay ku mideysan yihiin Siyaasiin & Musharaxiin u taagan Madaxweyne-nimada Puntland doorashada dhacaysa bisha January ee sannadka dambe ayaa cambaareeyey talaabadii uu Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre kaga qeybgali waayay Dhagax-Dhigida Dekeda magaalada Garacad, isagoo booqasho ku jooga deegaanada Puntland.

Madashu waxay si toos ah u sheegtay in uu ficilkaas muujinayo halka ay gaarsiisan tahay rajada laga qabi karro arrimaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay tani su’aal weyn galinayso xariirka dawladda iyo shacabka Puntland ay la yeelan karaan dawladda Faderaalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madashan oo ay ku saxiixan yihiin siyaasiin & Musharaxiin ayaa qodobadii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa.

1          Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer    Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen.

2          Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si   iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

3          Waxay artintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya.

4                Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland.

5          Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad.

6          Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku  tashi.

Leave a Comment