WAR DEG DEG AH:Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho & dhimashada oo maraysa 4 Qof + Dhaawaca oo ah 7 Qof

GAROOWE(P-TIMES)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaneemo Somali, sida ay sheegeen dad goobjoogayal ah.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in lala beegsaay maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla wadada Maka Al-mukarama oo galabkii ay dad badan isugu yimaadaan, taasi oo lagu magacaabo Somali Coffee.

Saraakiisha caafimaadka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inay ku dhinteen ilaa Afar qof, halka ay ku dhaawacmeen Todobo qof oo kale gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa goobta ka qaaday dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Laamaha ammaanka weli faah faahin kama aanay bixin nuuca qaraxan uu ahaa, balse sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur soo gaaray Maqaaxida la beegsaday.

Ciidanka ammaanka oo tagay gooabta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay bilaabeen baaritaanada la xiriira qaraxan, waxaana halkaasi soo buux dhaafiyay dadweyne fara badan.

Leave a Comment