WAR DEG DEG AH:Qaraxyo xoogan oo hada ka dhacay Muqdisho Iyo Rasaas laga maqlayo

MUQDISHO(P-TIMES)- Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qayb ka tirsan magalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska SOS ee magalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta ilaa Saddex qarax, sidoo kalena ay ay xigtay rasaas muddo daqiiqado ah socotay isla markaasna aysan cadeyn karin cida lala eegtay qaraxaas.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayey agagaarka Isgoyska SOS qaraxaasi lala eegtay kadibna ay rasaas fara badan fureen taas oo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

Leave a Comment