WARBIXIN MUHIIM AH: Maxaa ka soo baxay Kulamo looga hadlayay Dagaalka Sool oo dhexmaray Beesha Caalamka, Madaxda Puntland & Isimadda SSC, kana dhacay Garoowe?

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu xaqiiqsaday in ay dhaceen kulamo saacado badan qaatay oo socday tan iyo shalay, kuwaas oo dhexmarayay wafdi ka socda IGAD, Qaramada Midowbay iyo wadamada taageera Soomaaliya, kuwaas oo kusugnaa Garoowe,waxayna ujeedada socdaalkoodu ahayd sidii loo dhameyn lahaa dagaalka Tukaraq ee gobalka Sool.

Warsiduhu wuxuu ogaaday in ay xubnaha Beesha Caalamku la kulmeen Isimadda mandiqada, gaar ahaana kuwa ka soo jeeda Sool, Sanaag & Cayn oo ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee dagaal lagu joojin karro, iyadoo ahayd kulankii 2aad oo ay dhinacyadan yeeshaan bishan bilowga ah.

Mid kamid ah ka qeybgalayaashii ayaa u sheegay PUNTLANDTIMES.COM in ay wafdigan Ajnabiga ah ay soo jeediyeen afar qodob oo ay sheegeen in ay waajib tahay in ay aqbalaan labada dhinacba, si gabi ahaanba loo soo gabagabeeyo xiisadaha colaadeed ee mudada ka taagan gobalka Sool, qodobadana waxaa kamid ah.

  • In la aqbalo Xabad joojin rasmi ah, la kala qaado ciidamad oo dhan, lana abuuro jawi wada hadal ciidan.
  • In aayaha deegaanada lagu muransan yahay in ay labada dhinacba ay u daayaan dad deegaanka oo codkooda loo madax banaaneeyo.
  • In la fasaxo gargaarka aadanaha si dadkii barakacay loo siiyo gargaarka ay u baahan yihiin.
  • In wada hadal rasmi ay arrimahan ka yeeshaan madaxda labada maamul oo ay ku jirto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Isimadda beesha Dhulbahante ayaa xogtu sheegaysaa in ay dood adag ka keentay qodobada, gaar ahaana qodobka koowaad oo ay sheegeen in aysan dagaal wadin, balse mudo ka badan 11 Sanno xoog lagu haysto guryahooda, ayna ka haystaan ciidan ka yimi Gabilay, aysana aqbaleyn nabad inta ciidamada Somaliland kusugan yihiin.

Mid kamid ah Isimadda ayaa si adag ula hadlay Ergada Beesha Caalamka wuxuuna u sheegay in aysan nabad qaadaneyn oo aysan waqtiga iskaga ridin qodobadan, ayna hirgalayaan dhankooda oo kaliya marka Sool ay ka baxdo gacanta ciidamada Muuse Biixi Cabdi, haddii ay taas wadaan ay la qaadanayaan, haddii kalena aysan aqbali doonin.

Ergada Nabad Raadintu waxay hadalkooda ku dareen Hanjabaad u muuqatay in cunaqabateyn ay saari doonaan cid kasta oo loo arko in ay ka soo horjeedo nabadda gobalka Sool, taas oo dhalisay buuq iyo sawaxan ka dhashay shirka dhexdiisa.

Warsiduhu wuxuu ogaaday in aysan waxba kasoo bixin shirkaas oo qaatay waqt badan oo ay dhinacyadu yeesheen, waxaana uu kusoo dhamaaday in ay Odayaashu dhaqanku diideen damacii iyo qodobadii ay wadeen Beesha Caalamka oo laga soo ogolaaday dhinaca Somaliland.

Kulan xasaasi ah ayay wakiilada Ajnabiga ah ee nabad raadinta ugu tageen Madaxda Puntland, kaas oo qaatay saacado badan lama yaqaano waxay isku afgarteen balse xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ay dhinacyadu is afgarteen, halka marar kalena ay beeninayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu aqbalay sidda uu sheegay dhexdhexaadinta Beesha Caalamka, isagoo sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in la dhameystiro arrimaha dagaalka oo la baajiyo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka sheegay Garoowe munaasabad lagu qabtay in ay difaacayaan Sool, taas oo uu sheegay in ay ka saarayaan Somaliland marar badan.

Dadaalka ugu badan ee ay wadaan IGAD, Qaramada Midowbay, Mareykanka iyo UK ayaa ah in la baajiyo dagaal dhaca, waxaana 7dii bilood ee lasoo dhaafay ay maamulada Puntland iyo Somaliland, ciidan badan geeyeen goobaha ay isku horfadhiyaan waxaana xili kasta cabsi lagi qabi karaa dagaalo dhaca.

Maleeshiyaadka faraha badan ee labada dhinacba geeyeen Tukaraq, waxay welwel ku beertay beesha Caalamka iyo shacabka deegaanka oo ka welwelsan xaaladda, una arka in xili kasta la filan karro dagaalo dhexmara, kuwaas oo saameyn xun ku reebi doona gobalka oo dhan.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “WARBIXIN MUHIIM AH: Maxaa ka soo baxay Kulamo looga hadlayay Dagaalka Sool oo dhexmaray Beesha Caalamka, Madaxda Puntland & Isimadda SSC, kana dhacay Garoowe?

  1. Isimada gobolada ssc waa kuwa ayka godo talada gobolku maamulka puntland isna mowqifkiisu waa cadyahay waana lama huraan in dagaal dhaco snm ma ogola inay dhulka aan lagarabin ka baxdo beesha caalamkuna waa ku waalanaysaa ugu danbayna gacmaha uun baa layskula tagayaa

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada