WARKII UGU DAMBEEYEY: Xaaladda Caawa Jigjiga, Ciidamada Liyuu Police oo qabsaday magaaladda.

Wararkii ugu dambeeyey ee Jigjiga waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar soo laabashadiisa wararka la xariira ay aad usoo yaraanayaan, waxaana la xaqiijiyey in loo magacaabay Lataliyaha RW Dr Abi Ahmed ee dhanka Ammaanka oo kaliya.

Sidaas oo kale Ciidamadii Milateriga oo dhan ayaa laga saaray magaaladda Jigjiga, waxaana soo galay fiidnimadii caawa In ka badan 1000 Askari oo ah ciidamadii Liyuu Police-ka oo shalay galab ka baxay.

Madaxweynihii shalay la doortay ayaa cadeeyey in berrito 8da Aroornimo la furi doono dhamaan Xaafiisyadda dawladda oo dhan.

Haddii ay xarumuhu furmaan waxay soo afjaraysaa daganaansho la’aan iyo barakac galabtay istaagay markii uu soo baxay warka sheegaya soo laabashada Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

LASOCO XOGAHA IS BED-BEDELAYA

Halkaan Ku Qor Fikirkaada