Xildhibaano xulis xoogan oo Garoowe ka socota iyo xilligii doorashada gollaha deegaanku dhacayso oo la shaaciyey

GAROOWE(P-TIMES)-Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garawgii ugu dambeeyey ee loogu jiro soo xulidda xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garoowe ay yeelanayso muddo kadib markii uu madaxweynaha Puntland kala diray golihii hore ee deegaanka.

Odayaasha dhaqanka, cuqaasha iyo nabadoonada gobolka Nugaal ayaa diyaar garaw xoogan ugu jira inay soo xulaan golaha cusub ee deegaanka degmada Garoowe, inkastoo wararka qaar sheegayaan in inta badan ayba diyaarsan yihiin.

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga dowladda Puntland ayaa bishii hore ku amartay in cidkasta oo ay qusayso ay xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garoowe soo xulaan inta ka horaysa 22-ka bisha 8aad ee sanadkaan 2018.

Leave a Comment