AKHRISI: M/weynihii hore ee D. Deegaanka Soomaalida oo maxkamad lagu soo taagayo Addis Ababa Iyo Dacwad cusub.

ADDIS ABABA(P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta la horkeenayaa maxkamadda 19aad ee Federaalka Itoobiya, ee fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa.

Madaxweynihii hore waxaa loo haystaa eedo ay kamid yihiin ficilo argagixiso iyo falal kale oo kabaxsan Xaquuqda Aadanaha.

Dacwadaha kale ee la ogaaday saaka in lasoo oogayo waxaa kamid ah in uu kiciyey Urur dhalinyarro oo magacooda lagu sheegay HEEGO, oo ahaa taageerayaashiisa gaarka ah.

Miisaaniyadda Dawlad deegaanka Soomaalida oo si khaldan loo isticmaalay ayaa kamid ah eedaha loo haysto,in dad la dilay ama la xumeeyey ayaa kamid ah eedaha dul-hoganaya Cabdi Illey.

Lama garanayo in ay noqon doonto maxkamad furan iyo in kale, waxaase soo baxayay maalmihii u dambeeyey warar sheegaya in ay jirdil u geysteen booliska Federaalka ee baaristiisa wada.

4 qof oo kamid ahaa Xisbigiisii ayaa lala xiray oo maanta maxkamadda hor imaanaya, waxaana lafilayaa in ay qareenadu difaacaan.

Leave a Comment