AKHRISO: Madaxweynaha D. Deegaanka Soomaalida oo kusugan Dirir-Dhaba & Xal u raadinta Dagaalka Oromada iyo Soomaaliyda.

DIRIRDHABA(P-TIMES)- Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaali State Mustafa Maxamed Cumar ayaa maanta gaaray magaalada Dirirdhaba ee Faderaalka Itoobiya, isagoo halkaas u tagay sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya dhinacyada gudaha ee Soomaalida, si xal kama dambeys ah looga gaaro colaadda ka dhaxaysa Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

Wararka ayaa sheegaya in si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada, waxaana soo dhaweyntiisa lagu arkayay dad wata Calanka Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, taas oo ka dhigan in ay Shacabku doonayaan wadaniyad dhameystiran.

Mustafa Cumar wuxuu la kulmayaa Isimadda ugu waa weyn ee Soomaalida kuna sugan magaalada Dirir-dhaba oo horey ula dagaalsana maamulkii Cabdi Iley ee deegaanka Soomaalida, waxayna ka wada hadlayaan sidii loo adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka guud.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxda Heer Faderaal ee kusugan magaalada Dirir-dhaba oo uu kala hadlayo sidii looga shaqeyn lahaa Ammaanka iyo walaaleynta Shacabka labada dhinac.

Waa talaabadii koowaad oo isbedelka gobalka Soomaalidu ka faa’iideyso, haddii xal rasmi ah laga gaaro colaaddaha Soomaalida & Oromadda waxay ka dhigan tahay in la qaatay talaabo wanaagsan oo labada dhinacba ay ku ilaawayaan waxyaabihi soo dhexmaray, oo sababta ay lahaayeen qaar kamid ah Xisbiyadii xukumayey dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaali State Mustafa Maxamed Cumar ayaa hadda wajahaya marxalad kala guur ah, wuxuuna kuwajahan yahay maalmaha dhaw dalka Eritrea, si uu halkaas heshiis rasmi ah ugula saxiixdo Jabhadda ONLF oo deeganka mudo dheer dagaal ka waday.

Leave a Comment