AKHRISO+CADEYN: Puntland oo war rasmi ah ka soo saartay Mashruucii Wadadii Garoowe iyo Gaalkacyo.

GAROOWE(P-TIMES)- Dowladda Puntland ayaa war rasmi ah ka soo saartay Mashruuca Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo ay dhawaan kudhawaaqday dawladda Jarmalku in ay ka baxday oo ay joojisay.

Warsaxaafadeedkan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo kuqornaa Luuqada Ingiriiska, una muuqday mid kusocda Jarmalka iyo Hay’adda Mashaariicda ee GIZ, ayaa diiradda lagu saaray qodobada kala ah.

Puntland waxay cadeysay in ay horey u ogeyd in GIZ ay ka baxayso sii wadida Mashruucan oo aysan ogaanin dhawaan, markii uu soo baxay warka Dawladda Jarmalka.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Jarmalku ahaa deeq Bixiye qeyb ka ahaa kaalmo guud oo katimi Midowga Yurub, lacag yarna kubixinayay, sidaas awgeedna Midowga Yurub iyo Puntland ay ka wada shaqeynayaan mashruucan hadda.

Puntland waxay cadeysay in ay gudatay doorkeedii ku aadanaa wadadan ama Mashruucan oo ay jid cadihii leexisay,sidaas oo kalena geedihii ka jartay meelaha wadadu mareysay.

Warkan waxaa lagu sheegay in ay hadda Puntland iyo Midowga Yurub ka wada shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa mashruucan,looguna wareejin lahaa Hay’ad kale oo caalami ah, sidda lagu sheegay warsaxaafeedka weeyaane.

Warsaxaafadeedkan waxaa lagu soo gabagabeeyey in Puntland ay sii wadayso xoojinaysana wada shaqeynta ay la leedahay dawladda Jarmalka iyo Midowga Yurub si sare loogu qaado shaqada loo hayo bulshadda.

Gaba-gabada Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wadada Garoowe iyo Gaalkacyo ay muhiimad weyn ugu fadhido bulshada Soomaaliyeed, ayna tahay in cid kasta diiradda saarto masuuliyadda saaran.

2 Comments

  1. ahmed says:

    the content, the standard and the lack of clarity of the English version statement shows lack of professionalism and insincerity .

    In short , the content and the objectivity are contradictory in one essence the project is still on course and another instance saying they are looking for an investor partner in place of GTZ. It is shame for such a poor, hastily drafted full of errors to put in the domains.

  2. Wadani says:

    The goverment of corruption of puntland state.

Leave a Comment