CADEYN: Mudane katirsanaa baarlamaanka Somalia kana soo jeeday PL oo is casilay, Yuuse u baneeyey booskan?

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in uu is casilay si hoose-na guddoonka baarlamaanka qoraalkiisa ugu gudbiyey Xildhibaan Dhahar Cali Faarax Dhahar oo ka soo jeeda Puntland, kana tirsanaa baarlamaanka Faderaalka, kana soo galay gobalka Sanaag.

Xog soo gaartay Puntlandtimes.com waxay daaha ka rogaysaa in Xildhibaan Dhahar uu booska u baneeyey Wasiirka qorsheynta ee dawladda Faderaalka Gamaal Maxamed Xasan oo hadda kamid ah ragga saameynta badan ku leh go`aamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in boqolaal Kun oo dollar lacag ku dhaw lagu kala gatay booskan, taas oo keentay in uu is casilo Xildhibaankii hore ee booskan loo doortay sannadkii 2016-kii.

Guddiga Doorashada KMG ah ee Soomaaliya waxay kuwargaliyeen Isimadda gobalka Sanaag ee Puntland in ay soo xulaan 51 Ergay oo u codeyn doonta booskan.

Booskan ayey guddigu sheegeen in musharaxiinta araajidooda la qaban doono 22-ka bishan.

Wasiirka qorsheynta Gamaal Maxamed Xassan ayaa kusugan magaalada Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan in uu todobaadkan u safrayo Puntland, iyadoo aaan la aqoon sidda uu ku tagayo waqti ay dawlad gobaleedkaas joojiyeen xariirka kala dhaxeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

One Comment

  1. Abdiweli says:

    wali lama maqal caalmka munaafiqnimo saas u heer saraysa. bal hadii booska lakala iibsaday maxaa umada loo wareerin oo loo leeyahay wax soo doorta. ma kuwa wax dooranaya ayaa khaldan mise kuwa codsanaya in booska lakala iibsaday wakhti lagu lumiyo oo doorasho loo qabto. hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho.

Leave a Comment