Ciidamo ku gaashaaman Tikniko oo la wareegay xarun muhiim ah caasimada Labaad ee Somaliland & Gudoomiye xilka xooga looga qaadayo kadib markii….

HARGEYSA(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in ciidamo ay maanta la wareegeen in xarunta dowladda Hoose ee Boorama.

Ciidamadan la wareegay dowladda hoose ayaa la sheegay in ay amar ka haystaan wasaarada arimaha gudaha maamulka Somaliland, waxaana la tilmaamay in xaunta dowladda hoose ee Boorama aan maanta wax shaqo ah ka soconin islamarkaasna uu ku sugan yahay hanti dhowraha Somaliland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gudoomiyaha gollaha deegaanka Boorama la filayo in xilka laga qaaday, iyadoona hanta dhowrka uu baadhitaano ku samayn doono kiiskiisa.

Weli wax war ah kama soo bixin xukuumadda Somaliland kaas oo ku aadan sababta keentay in maanta ay ciidamo la wareegaan xarunta dowladda Hoose ee Boorama.

Leave a Comment