DAAWO: Dawladda Qadar oo ku dhawaaqday war farxad galiyey Shacabka Soomaaliyeed, fulisayna balan-qaad muhiim ah.

DOHA(P-TIMES) – Dawladda Qadar ayaa ku dhawaaqday in ay ogoshahay in baasaboorka Soomaaliga ah lagu soo galo dalkeeda oo ay ku bixiso Sharciga dal kugal ama Ciqaamada loo yaqaano, taas oo ay ku shaqeysan karaan Boqolaal Xoogsato Soomaaliyeed ah.

Talaabada ayaa qeyb ka ahayd balan qaad uu dhawaan sameeyey Boqorka dalka Qadar, kana balan-qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana maanta fariintan ku dhawaaqay Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Qadar.

Safiirka ayaa sheegay in talaabada dawladda Qadar ay qaaday ay dhiirigalinayso in Soomaali badan ay soo galaan dalkaas, oo ay ka shaqeystaan ka hor inta aan la gaarin Ciyaaraha Aduunka.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO WARKAN

Leave a Comment