DAAWO: Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan Midow Soomaaliyeed

JIGJIGA(P-TIMES)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar oo la hadlayay warbaahinta gudaha ee Jigjiga ayaa sheegay in aysan waxba dhib ah ku jirin in la muujiyo Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay walaalo iyo ehel yihiin shacabku.HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO.

Madaxweynaha oo la weydiiyey Calanka Baluuga ah ee Soomaaliya oo laga taagay magaalada Dirir-dhaba ayaa sheegay in aysan taasi waxba dhib ah keeneyn oo aysan jirin cid diidi karta.

Mr, Cagjar ayaa sheegay in ay Itoobiya & Eritrea midoobeen oo ay calamadooda is dhaafsadeen, taasna ay la mid tahay Soomaaliya iyo DDS, oo ay wada yihiin Shacab Soomaaliyeed.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO.

Leave a Comment