DAAWO: Waxgaradka G Mudug oo go’aansaday in Shareecada Islaamka arrimahooda ay ku xalistaan

GAALKACYO(P-TIMES)- Shir looga hadlayay Xoojinta Amniga magaalada Gaalkacy iyo guud ahaan gobalka Mudug ayay isku raaceen taabagalinta heshiiska Nabadda ee gobalkaas, oo ay garwadeen ka ahaayeen Waxgaradka mandiqadu.

Odayaasha iyo waxgaradka gobalka Mudug waxay isla qaateen in la qaato Xukun rasmi ah oo laga soo dheeganayo Shareecada Islaamka, kaas oo xal rasmi ah u noqonaya xaaladda ammaan ee gobalkaas.

Waxgaradka ayaa sheegay in ay wax kasta ku dhameysanayaan sharciga Islaamka, taasna ay tahay wadiiqada kaliya oo ay go`aansadeen in ay nabadooda ku xaliyaan kuna dhaqmaan waqtigan.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO WARKAN

Leave a Comment