Dabeysha Baarlamaanka: Ma Ra’iisul Wasaaraha ku bixi doono, mise Wasiirkiisa Amniga ayuu ku furan doonnaa ?

Tan iyo markii uu soo baxay khilaaf ka dhex bilowday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ee dalka ka jira waxaa abuurmay xasillooni daro siyaasadeed, iyadoo Khilaafkan uu sii xoogeystay kaddib markii shir muddo afar cisho socday ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka kala dhaxeysay.

Maamul goboleedyada ayaa qaadacay shirka Golaha Amniga Qaranka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isugu yeeray inay isugu yimaadaan 17-18 bishan, balse u baaqday diidmada maamul goboleedyada, waxaan Golaha iskaashiga Maamul goboleedyada bayaan ay soo saareen si buuxda ugu diideen in ay yimaadaan magaalada Muqdisho oo ay ku sheegeen in aysan aheyn meel amni ah, isla markaana ay dalbadeen in la helo daraf sedexaad oo shirka goobjoog ka noqdo, iyaga oo sheegay in heshiisyo hore ay federaalka fulin waayeen.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii uu soo baxay bayaankii ay dowlad goboleedyada xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka noqday hadal heynta ugu weyn, iyadoo kalfadhigii Afaraad ee Baarlamaanka uu hareeyay dood looga hadlayo amniga magaalada Muqdisho, dhamaan Xildhibaanada ayaa si isku mid ah carabka ugu adkeeyeen in ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid Allow sahal ah oo aan sinna la isugu haleyn karin, iyagoo eeda dusha uga tuuray Xukuumada oo gabtay xilkii ka saarnaa amniga dalka.

Dooda ayaa ka dhigtay in khilaafka Xooggan ee Maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka in saameyn ku yeeshay gudaha Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanada laga soo doortay maamul goboleedyada ay qireen in dowladda Federaalka maamuladii faragelin ku heyso, isla markaana maamul goboleedyada ay tabanayaan.

Dad badan oo xaalada dalka odorosa ayaa arrintan ku sifeeyey in ay caqabada xoogan ku keentay Maamulka Villa Soomaaliya oo iminka wajahayo mucaaradadii ugu weyneyd ee ugu imaaneyso golaha Barlamaanka oo ah golihii sharci dejinta sidoo kale hadalada tuuryada ah ee uu mar kasta Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyo fagaaraha ayaa xaalka sii fogeeyey meeshana ka saaray wada shaqeyntii Dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Hase ahaatee waxay dad badan oo siyaasada is rogrogida badan ee uu dalka hore u soo maray goobjoog u ahaa ay qirayaan in dabeysha Baarlamaanka ka soo socota uu keeni karo in meel ku wareegto oo ah dhinac ku bixi karo, gaar ahaan Xukuumadda.

Culeyska Xukuumadda ka soo fuulay Baarlamaanka ayaa la dhici karta in Raisul wasaaraha uu meesha ka saaro Wasiirkiisa Amniga oo wasaaradiisa ay tahay mida loo godob yeelayo xaalada Amni darro ee carabka lagu adkeeyey, tani ayaa haddii ay dhacdo noqon karta mid uu Ra’iisul Wasaare Kheyre uu isku furto culeyskana ku dejiyo, iyadoo dhanka kale la filan karo in Madaxweyne Farmaajo si uu u soo dhoweysto Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada uu meesha ka saaro Ra’iisul Kheyre oo intii ay jirtay xukuumadiisa uu marba marka ka dambeyso uu sii xumaanayey xiriirka kala dhaxeeyo Maamul goboleedyada oo ay ku eedeeyaan inuu faragelin xooggan ku haayo Dowlad Goboleedyada nidaamka federaalka lagu soo dhisay.

Inkastoo dowladda Federaalka ay heshiis la gashay, isla markaana qancisay maamulka Hirshabeelle oo ka laabtay go’aankii Maamul goboleedyada xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka, hadana xalka ayaa loo arkaa mid aan weli dhoweyn oo culeyska ka tan badan tahay qancinta iyo heshiiska lala galay Hirshabeelle.

Isku soo wada duuboo siyaasada dalka ayaa iminka ah mid cakiran, iyadoo aan la saadaalin karin, sida hadda waxa u socdaan, marka loo eego guuxa Baarlamaanka ka jira, maamul goboleedyada xanaaqsan iyo xaalka Xukuumadda sida uu noqon karo, haddii kala taga siyaasadeed uu sii jiitamo.

Waxaa diyaariyay: Abdiaziz Hassan Mohamed (Golfyare)

Leave a Comment