Dawladaha Ciraaq Iyo Iran oo ku heshiiyey joojinta isticmaalka Lacagta Dollarka una diga rogtay Euro

BAQDAD(P-TIMES)- Dowlada Ciraaq ayaa si rasmi ah u shaacisay in meesha ka saartay adeegsaiga lacagta dolarka oo ay ganacsi ahaan kula macaamili Jirtay xukuumada Iran.

Gawaarida qaada shixnadaha ee isaga kala gudba labada dal iyo ganacsatada ayaa adeegsan doona lacagta loo yaqaan yuuro ama tan labada dal ay ku macaamili doonaan.

Warbaahinta Iran ayaa dhanka kale qortay in rakaabka gaawirada loo ogolaan doono in ay wax ku iibsadaan lacagaha kale ee Ajnabiga ah.

Warar soo baxay bilowgii bishan ayaa lagu sheegay in ciraaq iyo iiraan ay ku heshiiyeen in ay wax ku kala iibsadaan lacagta Euro iyo tan labada dowladood.

Yahya Ale-Eshagh oo ah madaxa gudiga ganacsiga labada dal ayaa sheegay in gabi ahaanba ay meesha ka saareen adeegsigii lacagta mareykanka ayna adeegsan doonaan ganacsatada iyo rakaabka dinar -ka ciraaq iyo Rial-ka iran iyo tan yuurada.

Bankiyada ayaa dhanka kale la filayaa in ay aqbalaan heshiiska ay gaareen ganacsatada dalalkan dariska ah.

Arintaan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo mudooyinkii la soo dhaafay dalal badan oo siyaasad ahaan ay isku wanaagsaneyn mareykanka ay wadeen in meesha laga saaro ku macaamilka lacagta Dolar-ka.

Leave a Comment