DEG DEG: RW Soomaaliya oo laga gudbiyey Mooshin cusub.

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya qabtay mooshin lagu dalbanayo in uu Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre hor yimaado baarlamaanka Faderaalka.

Ilaa 23 Xildhibaan ayaa saxiixday Mooshin Soo jeedin ah oo lagu dalbanayo in Ra’iisul Wasaaraha uu horyimaado Baarlamaanka, iyadoo Guddoonka Golaha Shacabka uu qabtay.

Xeer hoosaadka Golaha shacabka qodobkiisa 72aad ayaa dhigaya in 10 Xildhibaan soo jeedin u yeerid ay ka keeni karto Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo aan cod loo qaadin.

Maalmihii u dambeeyey xaaladda Amniga ayaa laga doodayay mana jirinw wax kasoo baxay

Leave a Comment