DEG DEG+DAAWO: Ciidamada PL oo goor dhaw burburiyey Saldhigyo Isbaheysiga Buuraha Caalmadow, dilayna 12 Dagaalame

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) kuwooda sida gaar ka u tababaran ee Kumaandooska ayaa xalay iyo maanta 22-23 September,2018 waxay hawlgal qorshaysan oo ka dhan cadowga Al Shabaab ka fuliyeen degaanada Madarshoon,Karin Xagarood,Mariidle, Diindigle iyo Harweyn ee Buuraha Cal Madow, oo qiyaastii 53km kaga beegan dhanka Koonfur galbeed magaalada Bosaso ,Puntland,Soomaaliya.

Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxay gaarsiiyeen dhaawacyo; isla mar ahaantaana waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon iyo Oobijaale ee Buuraha Cal Madow.

Dhanka kale, ciidanka PSF waxay hawlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo oo ay muddooyinkan dambe ka wadaan magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo ku soo qabteen xubno ka tirsan ururada cadowga ah ee Daacish iyo Al Shabaab.

Ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay god iyo geed walba ka daba galaan kooxaha cadowga ah ee Puntland ku soo duulay , si kooxahaas looga ciribtiro loogana sifeeyo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba.

6 Comments

  1. Mohamed sulub says:

    Ku waas in lalayo wa wajib.cadowga ummada somaliyed iyo gud ahan umadaha oo dhan.

  2. Mohamed sulub says:

    Waxa wax laga xumado ah.puntiland oo horsedka ummada somaliyed ah.in lagu dhawrto ladagalanka cadowga ummada.sida laga war qabo puntlanad waxay dagal kula jirtay argagixisada calamiga ah.hase yeshe cidna. Gacan kama hesho.

  3. Maxamed sulub says:

    Dadka puntland waxay caan ku yihin dad u dulqata dhibatoyinka uga yimada umadaha kale ee somalida.wax kata oo dhaca wa ka guleystan.tusale
    1991.burburki qaran jabkii somaliya.dhibkii dhacay.dadka ugu badan waxay ahayen dadka puntland.waqtigan la jogo dadka somaliya ugu nolal wanagsan wa puntlan %90

  4. Abdiweli says:

    Cidamada PSF ee puntland waa halyeeyo dacad u ah dadkooda iyo dalkooda iyo diintooda in ay cadowga ka difaacaan

  5. llibaax says:

    Gerso alle maximi guul puntland

  6. bandar says:

    puntland mustqabalka guul kagaaracadowaga nabadiidka

Leave a Comment