DEG-DEG+DHAGEYSO:- Madaxweyne Gaas Oo Ku Dhawaaqay Inay D. Badhan La Wareegtay Kaalin Ay Puntland Horey Uga Jirtay Qardho.

BADHAN(P-TIMES)-Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo ku Sugan Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa ku Dhawaaqay in Degmadas, Ay la Wareegtay Kaalin ay horey ugu jirtay Degmada Qardho ee Gobalka Karkaar.

Madaxweyne Gaas, oo Shalay Gelinkii Dambe Khudbad ka Jeedinayay Munaasabad Xariga looga Jarayay Jaamacadda Makhir Ee Badhan, ayaa Sheegay in Badhan ay Hormaro balaaran Sameysay, waxaana uu Xusay in Hormaraadaasi u kamid yahay Dhaqaalaha oo uu Sheegay in horeyto looga kabi jiray.

Madaxweynaha Puntland ayaa Daaha ka Rogay in Degmada Badhan ay Haatan tahay Magaalada 4-aad ee  Wax soo saarka Puntland, waxaana uu Tilmaamay inay ka Horeeyaan Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGEYSO.

 

Leave a Comment