Somaliland oo gudaha u galeen Saraakiishii ugu badnayd ee Jabhadda Caarre, Hub & Ciidan hor leh oo…..

BURCO(P-TIMES)- Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay kusoo dhoweyn doonaan sarkaal hore uga goostay ciidanka maamulkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Somaliland Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay inay Ceerigaabo ku qaabili doonaan Jamaal Maxamed Baaxad oo hore uga tirsanaa ciidanka Somaliland haseyeeshee ku biiray jabhadda Korneyl Caarre.

Taliye Baaxad oo ay isku reer yihiin Korneyl Caarre ayaa magaalada Ceerigaabo la filayaa inuu lasoo galo ciidamo iyo gaadiid dagaal oo uu kala soo goostay jabhadda Korneyl Caarre oo uu horay ugu galay.

Korneyl Caarre ayaa duleedka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar Kaar waxa uu ku diyaariyey jabhad uu sheegay inay dagaal lageli doonto maamulka Soomaaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Waa markii ugu horaysay ee sarkaal katirsan Jabhadda Korneyl uu dib ugu laabto Somaliland waxaana dadku ay aad u hadal hayaan saamaynta uu kuyeelan doono joogitaanka Caarre ee Puntland.

Leave a Comment