DEG DEG+WARAYSI: Dhacdo argagax & naxdin ku reebtay shacabka oo ka dhacday Badhan kadib markii…..

BADHAN(P-TIMES)- Saldhiga dhexe ee magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxaa maalintii shalay ahayd isku dal dalay Maxamuud Nadiif Suldaan oo sida la sheegay kamid ahaa dadka deegaanka. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Marxuumka is dal dalay ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu ahaa mid maskaxdiisa aanay fadhiyin sida eheladiisa qaar ay noo sheegeen, waxaana uu la kulmayey cadaadis dhanka maskaxda ah.

Cawil Nadiif Suldaan oo ah walaalka marxuumka is dal dalay ayaa Radio Horseed Bosasoo u sheegay in marxuumka uu tan iyo arbacadii aynu soo dhaafnay uu ku xidhnaa saldhiga degmada Badhan, isla markaasna sababaha loo xidhay ay qayb ka ahayd isku buuq iyo isla hadal soo wajahay marxuumka.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Cawil ayaa sidoo sheegay in aysan waxba ka jirin wararka qaar ee ay qorayeen warbaahinada Soomaalida kuna saabsana in marxuumka dhintay uu taageersanaa maamulka Somaliland sidaasna uu isku dal dalay.

Maxamuud Nadiif Suldaan ayuu sheegay in da’diisa ay ahayd 49-sano jir ku shaqaysan jiray xirfada farshaxanka balse tiisa ay dhamaatay kadib markii xaalad caafimaad darro ay kasoo wajahday dhanka maskaxda.

Waa dhacdo dhif iyo naadir oo ka dhacda gudaha Soomaaliya in ragu ay is dal dalaana maaha wax sahlan, iyadoo inta badan la maqlo haween siyaabo kal duwan isku dhaafiyey nafta amaba is dal dalay.

2 Comments

  1. Badar says:

    Been baad sheegaysaan.

    1-Haddii uu waalnaa maxaa loo xiray ee waliba kusoo beegay maalmihii uu gaas baran ku sugnaa?.

    2-Haddii uu xaga dhimirka ka xanuunsanaa ma jeel baa aqbali lahaa inay xiraan nin waalan,soo cilaaj ama dhakhtarka dhimirka lama geeyeen,haddaan la awoodina ehelkiisa ma xanaanaysteen oo ma xirteen.

    Ninka ilaalada gaas ayaa xiray,kadibna waxa la arkay asagoo daldalan lamana yaqaan cidda falkaa geeysatay.
    Marka warkaan waa is-burin.
    ADINKA MA ARAGTEEN NIN WAALAN OO JEEL LAGU XIRO SIDII DAMBIILE CAMAL.

    WAR SUGAN KEENA ANIGA WAXAN RUMEESAN MAAYEE.

  2. Aadan says:

    Waa runtaa oo waa macquul haddii la dhihi lahaa “NINKAAN HORA AYAA UU UGU XIRNAA XABSIGA,KA DIBNA ISKU BUUQ KU FURMAY SIDAANA WAA ISKU DALDALAY,LKN WAXA WARARKU SHEEGAYAN INAY XIREEN ILAALADA GAAS EE BARAN TEGAY.
    @MIDDA KALE QOLKA NINKAAN KU XIRNAA MIYAAN CIDI KULA JIRININ MA KELIGIIS BAA KU JIRAY???.

Leave a Comment