DHAGAYSO:Khilaafkii Galmudug oo gaadhay heerkii ugu sareeyey & Shirar is diidan oo ka kala dhacay Cadaado Iyo…..

CADAADO(P-TIMES)- Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa shirar kala duwan ku qabtay wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Galmudug, kuwaas oo isku khilaafsan shirka uu ugu baaqay madaxda Galmudug madaxweyne Farmaajo, waxaana wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan uu sheegay in aysan Galmudug ka qayb gali doonin shirka Muqdisho.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODADKA

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka warfaafinta Galmudug Cabdiraxmaan Heloos ayaa isna dhankiisa sheegay in madaxda Galmudug ay ka qayb gali doonto shirka Muqdisho isla markaasna ay muhiim tahay in la dhameeyo khilaafkasta oo Galmudug dhexdeeda ah.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODADKA

Leave a Comment