DHAGAYSO:Taliyaha Qaybta oo faah faahin ka bixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Garoowe & Hawlgalkii xalay

GAROOWE(P-TIMES)- Munaasibad kooban oo maanta ka dhacday taliska qaybta ee ciidamada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay taliyaha cusub ee xasilinta caasimada Puntland ee magaalada Garoowe ahna taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse iyo taliyihii hore ee qaybta Booliska gobolka Nugaal Faarax Warsame Daad Galan Gooli, waxaana munaasibadaasi goob joogayaal ka ahaa xubno ka tirsan wasiiradda Puntland, duqa degmada Garoowe iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse oo hadal ka jeediyey munaasibadani xil wareejinta ayaa ka hadlay amaanka caasimada Puntland ee magaalada Garoowe, dabaylo ka dhacay Garoowe iyo falkii habeenkii xalay ahayd oo uu faah faahin ka bixiyey, isagoona sheegay in hawlgal habeenkii xalay ahayd ay fuliyeen ciidamada xasilinta caasimadu ay ku naf wayday mid kamid ah haweenka Garoowe isla markaasna ay dhaawacmeen labo askari oo xaaladooda caafimaad haatan lala tacaalayo.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

One Comment

  1. Abdiweli says:

    Hoyadii maskiinta ahayd, oo gurigeeda xabada xaqdarada ah ugu timid, oo ku dishay , hadalkeeda la ma soo qaadin.

    Jiingad iyo fiiloyin go’ay ayaa laga hadlay oo gura.

    Waa run oo waa arin rabaani ah. Jiingadu wax ma yeelin kuryihii shicibka. Waxay ku galgalatay xarumihii xaqdarada. Waa xarumo aan xaqa loogu hiilin, oo mushaar un lagu daliiqo.

    Daalimiintii dilka xaqdarada ah sababay waa la yaqaana oo waa ina hebel iyo ina heblaayo. Qorshuhu ma ahayn in lasoo qabto oo xaqa loo hiiliyo. Xabadbaa lagu riday, oo baabuurtii ay ku ganacsanayeen, iyo hantidii xaaraanta ahayd, laga dhacsaday. Oo la yiri, ordahayoo carara intaanu xabiska in gayn.

    Yaase loo raacan dilkii dhacay. Ilaahay baa u carooday xaruntii xaqdarada, oo duufaan duudka ka qaawisa usoo diray. Subxaanallah wabi xamdihii subxaanallahi ilcadiim.

    Ceeb iyo ciqaab rabaani ayaa xaruntii xaqdarada ku dhacday.

Leave a Comment