DHAGEYSI XASAASI AH: Wasiirkii Deegaanka & Isbedelka Cimilada Puntland oo faahfaahin ka bixiyey Is casiladiisa?

GAROOWE(P-TIMES) – Wasiirkii Deegaanka & Isbedelka Cimilada Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame oo maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas, ayaa wareysi uu Siinayay Radio Sahan Garoowe, wuxuu kaga hadlay waxyaabaha rasmiga ah ee waqtigan ku soo beegay is casiladiisa.HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO WAREYSIGA

Wasiirkii Deegaanka ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in ku fashilmay hogaaminta mandiqada, wuxuuna sheegay in 3 mashruuc oo muhiimad weyn ugu fadhiyey bulshada ay fashilmeen, ka dib musuqmaasuq hareeyey.HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO WAREYSIGA

Dr, Cali ayaa sheegay in uu talaabadan qaaday markii uu arkay in aysan jirin wadiiqo kale oo furan, wuxuuna sheegay in hadda la joojiyey mashruucii ugu dambeeyey ee GIZ ay ka fulin lahayd deegaano kamid ah gobalada Nugaal & Mudug.

HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO WAREYSIGA

6 Comments

  1. Haliye says:

    GAAS xoolo, isma oga beentii Shan sano waday buu weli sii wadaa.
    Waa hore baa sheegay film-kii CALI KHALIIF GALAYR buu wadaa inuu PUNTLAND wiiqo xaga siyaasada, dhaqaalaha, amniga, wadajirka dadka si maqaamka PUNTLAND uu hoos ugu dhigo oo uu reer xamar weji uga helo markii horeba Xasan culusow iyo kuwo la mid ah baa soo diray.

  2. Ali says:

    Wasiirka xooga lacag Ah ayuu aruursaday waa Isa soo shaacsaarayaa waxaanna arki doonnaa isagooleh musharaxbaan Ah kkkkkkk sharaftuu iska qaaday sidii Cali xaaji. Guulaha ay wasaarraddu gaartay ee uu sheegayo maxay gaas hortii u imaanweyday Saw maamula gaas magaceeda kuma imaanin guusha kkkkkk bal fiiriya caqliga uu nookeenayo kulahaa guulbaan ka gaarnay wasaaradda sxb gaas hortiis naba jirin wasaarad waxqabad gaartay qorshaha horumarineed ee wasaaraduhu gaareen waa hoggaanka suuban ee Mudane gaas adiguna dhaqaale ka hoos shaqeeyo Mudane gaas ayaad ahayd runtiina cimrigaadii ceeb ayaad ku gabagabatsay sidii Cali.

  3. Sulaiman says:

    YAA U DUL QAADANI ADIGA OO AH WAZIIRKII WAZAARADA IN AAD KA NOQOTO WAXAAN WAXBO KA AHEEN OO WAXBA LAGA DHEGEESAN,HAWLIHII WAZAARADANA LAGAALA WAREEGO OO UU KUGU XUKMO NIN NAAS-NUUJIS LAGU KEENAY LANA MUSUQO HAWLIHII WAZAARADA OO SHAQAALUHU MUDO MISHAAR QAADANIN.

    XAQIIWADII WAA TANAA EE FIIRI INDHO-LA’AAN HA KU MAAGIN MASUULKA SHARAFTA LEHEE.

    Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo iscasiley-Akhriso

    Garoowe (Horufadhi News)–

    Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa is-casilay , isagoo ku eedeeyay maamulka;

    •musuqmaasuq iyo inuu ku fashilmay himilooyinkii shacabka.
    Cali Cabdullaahi,

    •waxaa kalo uu u sababeeyay is casilaadiisa in shaqada wasaaradda lugu wareejiyay hay’ad uusheegay “si gaar ah madaxtooyada Puntland inay u naas-nuujiso ,si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo”,

    •waxaa kalo u sheegay wasaaradda inaysan helin muddo sadddex sanno ah xuquuqihii aasaasiga ahaa oo mushaarku ka mid yahay.

    •Wasiirka is casilay , wuxuu sheegay maamulka inuu waxba ka qaban waayay amniga, isagoo si gaar ah u tilmaamay madaxtooyada,
    •waxaa kalo uu ku eedeyay dowladda u hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Gaas , inay si toos ah is hor-istaag ugusameysay mashaariic horumarineed , oo howlihii horumarka iyo baahiyaha bulsho laga hormariyay wax uu ku sheegay “danaha shaqsiyaad iyo kooxeysi.”

    Toddobadyadii u dambeeyay ayaa la hadal hayay Cali Cabadullaahi inuu xilkan iska casilayo, markii wax jawaabuu ka bixin waayay xafiiska madaxweynaha Puntland cabasho ay gudbisay wasaaradda, sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

    MAXAA MARKAA WASIIRKA U DIIDAHAYO INUU KU BIIRO HALKAY U SOCOTO DABAYSHA IS-BEDDELKU,ILLEEN SADDEX SANO ISAGA IYO SHAQAALAHABA MISHAAR MA QAADANINEE OO WAXBA KUMA QABIN SHAQADA UU HAAYEE????????????????????.

  4. Ali says:

    Kkkkk sxb suleiman laba isma qabato mashaariic iyo waxqabad ayeey wasaaraddu qabatay mushaarna ma aannan qaadan isma qabato, mashaariicda qorshaa loo dajiyaa qorshahas mushaarka dhaqaalaha ku jira, hal arrina ogow wasaaradda inta badan dhaqaalaheda waxaa bixiya hay’ado ajnabi Ah sida world bank. Shaqaduna jadwal iyo miisaaniyad qoran ayaa lagu galaa, sidaa awgeed gaas meel uu ka soogalo malaha, midda kale wadashaqayn waxay kala dhaxaysaa hay’adda biyaha puntland ee baasaweyn, wixii biyo xireen ahna Ama guud ahaan wixii biyo ku saabsan baasaweyn ayaa masuul ka Ah sidaa awgeed waa arrin iska cad in wasiirka uu la xumaaday in wakaaladda biyaha loo dhiibo qayb ka mid Ah shaqadeeda oo Si qalddan ay wasaaraddiisa u maamulaysay. Midda kale xilligaan doorashaa socota damacuna waa badanyahay sida muuqatana musharaxiin kale ayuu olole la wadaa wasiirkii hore. Waxaanse hubnaa inuu ka mid ahaa wasiiradii ugu fiicnaa er puntland soo maray wuxuuse noqday ninkii boqolka soomay ee bakhtiga ku afuray.

  5. Cey tey says:

    Hogan reer puntlandkii la jeclaa in cadaaw loo arlo buu a ouray Hassan la veyron Latin in laga tango ayaa dhaanta
    Tusaale koofurtii nalaga jeclaa baa nalahu ugaarsa ayaa

  6. Abdiweli says:

    Wazarada dagaanku waa wazaarad loo dhisay daryeelka dagaanka sida geeda beeris iyo ladagaalanka nadaabguurka iyo badbaadinta iyo kobcinta duurjoogta iyo ladagaalanka waxii lid ku ah dagaanka ama bad ha noqoto ama biri iyo hawaba ha noqdaan. iyo dajinta xeer ilaaantata guud ee dagaanka . Bal waziirkii hore ha sheego meel uu hal geed ku beeray ama duurjoog uu badbaadiyey ama xaaluf dagaan oo uu ka hortagay sida dhir jarida baaxada weyn oo dhulkii nadaabguurisey ama dhibaata iyo xaalufka iyo sumaynta ay shisheeyuhu ku hayaan badweynteena puntland.

    Shaqo hay’ad loo xilsaaray ayuu u han taagayaa sabatoo ah waa meel dhacdhac iyo hunguri kasoo gali karo. Hadii uu wax qabtay isaga ayaa wax qabsaday ee dalka iyo dadka wax uma qaban. Waziirka waxaa hor taal su’aasha ah…” itus geed aad beertay ama bad aad badbaadisey”. Waa hadii uu wax qabtay.

Leave a Comment