Dhaq-Dhaqaaqyo ciidan oo galabta laga dareemayo jiidaha Tukaraq & Somaliland oo bilaabtay….

GAROOWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee aanu galabta ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxaysa ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa lagu soo warayamayaa in ay dhaq dhaqaaqyo iyo isbalaadhin ciidan kawadaan duleedka Waqooyi Bari ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goob joogayaal ku sugan deegaankaasi ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in xaaladdu ay degan tahay hasa yeeshee dhaq dhaqaaqaasi uu horseedi karo dagaal ka qarxa deegaankaasi.

Tukaraq waxaa muddo 9 bilood ku dhow isku hor fadhiya ciidamada Puntland iyo Somaliland oo dagaalo ay ku dhex mareen marar kala duwan.

Leave a Comment