Dilalka Ciidamada DFS ee Muqdisho oo noqday tusbax la furay & Askari lagu dilay saaka

MUQDISHO(P-TIMES)- Kooxo hubeysan ayaa saaka waxa ay degmada Waaberi ee gobolkan Banaadir ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ahaa ayaa waxa ay u sheegeen warbaahinta in dilka uu ka dhacay Isgoyska Suuqa Beerta isla markaasna rag hubaysan oo watay gaadhi nooca raaxada ah ay toogteen askarigan oo ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya kadibna ay baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa soo gaadhay goobta uu dilku ka dhacay kuwaas oo qaaday maydka askariga la dilay.
Dilalka loo gaysanayo askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa joogto ah magaalada Muqdisho, waxaana dilalkaas sheegta kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo dowladda kasoo hor jeeda.

Leave a Comment