Sacuudi Careebiya oo casumaad u fidisay madaxda Itoobiya iyo Eritrea,Soomaaliya oo laga tagay.

RIYADH(P-TIMES)Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa casumaad rasmi ah u dirtay madaxda dalalka Eritrea iyo Itoobiya, ka dib heshiis rasmi ah oo ay ka gaareen dagaaladii mudada 20ka sanno ah u dhaxeeyey.

Casumaada ayaa la sheegay in ay salka kuhayso in la dhameystiro heshiiska nabadda ee gobalka Geeska Africa, waxaana la xaqiijiyey in ay Sacuudigu Balaayiin Dollar kubixinayaan heshiiskan guud.

Madaxweynaha Eritrea ayaa xariir wanagsan kala dhaxeeyaa Sacuudi Careebiya, ka dib markii ay Asmara dhawaan taageero xoog leh u muujisay Xulufada Sacuudiga.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed Farah ayaa xariir wanaagsan isna la leh wadamada Khaliijka,waxaana diiradda la saarayaa heshiiska guud.

Dr. Abiy ayaa dhawaan Sacuudi Careebiya ka helay sannad shidaal deyn ah oo ay kushaqeynayso dawladiisa, heshiiskan cusub ayaa dhabaha u xaaraya qadiyadaas.

Talaabada hadda la qaaday ee casumaada ah ayaa ah in la dhameeyo is fahamka nabadda labada dalna waxay Khaliijku kumeelmarinayaan Balaayiin Dollar oo maalgashi ah.

Soomaaliya ayaa hadda meel cidlo kusoo dhacday, waxaana muuqata in isbedelka gobalka oo dhan looga guuleystay waxaana banaanka u soo baxay in uusan jirin wax horumar cusub ah.

Leave a Comment