SIR LA OGAADAY+CADEYMO: PSAWEN oo codsatay Joojinta Mashaariic Horumarineed oo muhiimad weyn ugu fadhiya Bulshada PL ee G Mudug.

NAIROBI(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in Hay’adda Maalgalinta dawladda Jarmalka ee GIZ loo diray qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Biyaha Puntland oo kamid ah Hay’addaha sida tooska ah u taga Madaxtooyada Puntland, waxaana qoraalka sidda ku cad loogu sheegayaa GIZ in ay joojiso Mashaariic la xariira Biya-xireenada ee ay ka wado deegaano kamid ah gobalka Mudug.

Sidda ku cad qoraalka waxaa lagu sheegay in ay Shaqadan fulinteda leedahay Hay’adda cabanaysa ee dal-banaysa in la joojiyo, waxayna sheegtay in aysan waxba ka jirin heshiiska uu lixdii bishan saxiixay Wasiirka Deegaanka & Isbedelka Cimilada ee Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame, kuna saabsan Biyo-xireeno laga hirgaliyo deegaanada Jalam ilaa Xarfo ee Puntland.

PSAWEN waxay sheegtay in xeerka biyaha Puntland oo golaha Xukuumaddu ansixiyeen 16 August 2018, haddana sugaya Ansixinta golaha baarlamaanka, uu iyada siinayo awoodda la xariirta in Mashruuc kasta oo khuseeya Horumarinta Biyo xireenada iyo kuwa dhulka hoostiisaba ku jira ay iyadu maamusho, sidas awgeedna aysan wasaaradda Deegaanku waxba shaqo ah ku laheyn arrinta Mashruucan cusub.

Qoraalka waxaa kaloo diray Hay’adda Maalgalinta Jarmalka ee GIZ, waxaa lagu cadeeyey in ay Sharciyad ku taagan tahay PSAWEN, waxaana si ay markhaati ugu hesho warqadeeda ama sharci-nimadeeda lagu qoray isla warqadda la diray telfoonada gacanta ee gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaana GIZ lagu yiri isla qoraalka gudihiisa ”waa in ay GIZ iyo Saaxiibadu tixgalisaan Sharciga Puntland iyo kan Soomaaliya”.

Sidda ku cad warqadda ay heshay Puntlandtimes.com waxaa ku cad in ay Hay’adda PSAWEN ogaatay in heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen wasaaradda Deegaanka Puntland iyo GIZ, waxayna Hay’addan hoos tagta Madaxtooyada Puntland qoraalkan si cad ugu amraysaa in la joojiyo mashaariicdaas kala shaqeynteeda ku wajahan Wasaaradda Deegaanka.

Waxaana qoraalka dhexdiisa lagu qoray kalmad oranaysa “ Heshiis kasta oo ay wada galaan Wasaaradda Deegaanka & Hay’adda GIZ, kaasoo khuseeya horumarinta biyaha dhulka korkiisa mara iyo kuwa dhulka hoostiisa ku jira waa sharci darro’’

Mashruucan GIZ ay fulinayso wuxuu sababayaa in la dhiso 5 warood oo biyo ah, lagana hirgalinayo inta u dhaxaysa Jalam & Xarfo, Wacyigalin looga sameynayo dadweynaha deegaanadaas arrimaha la xariira Ilaalinta Deegaanka in dib loo hagaajiyo dhulalka  waxyeeladu cimilada isbedelaysa ka soo gaartay.

Dhalinyarro & xoogsato badan ayaa ka helaya fursado shaqo Mashruucan, waxaana ilaa hadda la bilaabay diyaarinta goobaha ka sokow arrimaha in shaqaaleysiinta dadweynaha qeybta ka noqonaya ay ahdda howlgalayaan, taas oo ka dhigan arrin kale.

Warsidaha Puntlandtimes oo dabagal ku sameeyey sidda ay ahaayeen Mashaariicda ay PSAWEN codsanayso in la joojiyo, wuxuu ku ogaaday baaristiisa in Wasiirka Deegaanka & Isbedelka Cimilada Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame ku saxiixay magaalada Nairobi 6-dii bishan Heshiiska, isla markaasna uu horey u jiray khilaaf ku saabsan Is heysiga sharciyadda, waxaana qoraal ay soo saartay Wasaaradda Deegaanka lagu cadeeyey in Madaxda Puntland ay arrimaha ku saabsan sharciyadda sameynta Biyo-xireenada leedahay wasaaradda Deegaanka ee heshiiskan gashay waqtigan.

Wasiirka Deegaanka Puntland & Wakiil ka socda GIZ oo gacanta ku haya Qoraalka Heshiiska ay kala saxiixdeen.

Puntlandtimes.com wuxuu helay warqad uu qoray Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuna taariikheysan 24 June 2017, oo uu ku cadeynayo in ay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladu awood ay u leedahay arrimaha ku saabsan Biyo-xireenada iyo Horumarinta Biyaha roobaadka.

Sidaas oo kale Puntlandtimes.com waxay heshay Nuqul qoraal ah oo u horey u soo saaray Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, kuna taariikheysan 30 April 2013, kuna cadeynayo in Wasaaradda Deegaanku masuuliyadeeda tahay arrimaha Biyo xireenada iyo Horumarinta Biyaha Roobka, sidaasna lagu hirgaliyey mashaariicda maanta la qabtay.

Wasaaradda Deegaanka Puntland 17 August 2018, waxay guddoonka baarlamaanka u dirtay qoraal cabasho oo ay kaga hadlayso Xeerka loosoo gudbiyey ee PSAWEN u ogolaanaya arrimaha ku saabsan Biyo-Xireenada aan ka hadlayno maanta, mana jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo guddoonku u soo gudbiyeen wasaaradda.

 

 

Talaabada ay qaaday PSAWEN oo aan ilaa hadda waxba laga qaban ayaa welwel laga qabaa in ay saameyn ku yeelan doonto Mashaaruucan, waxaana hadda GIZ ay horey u joojisay Mashruucii wadada Garoowe & Gaalkacyo, wallow ay Madaxtooyada Puntland ku adkeystay in uu sii socdo mashruucaas, xili xataa ay dawladda Jarmalku sheegtay in ay ka baxday Mashuurcan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Talaabada ay qaaday PSAWEN oo aan ilaa hadda waxba laga qaban ayaa welwel laga qabaa in ay saameyn ku yeelan doonto Mashaaruucan, waxaana hadda GIZ ay horey u joojisay Mashruucii wadada Garoowe & Gaalkacyo, wallow ay Madaxtooyada Puntland ku adkeystay in uu sii socdo mashruucaas, xili xataa ay dawladda Jarmalku sheegtay in ay ka baxday Mashuurcan.

3 Comments

  1. Abdiweli says:

    Abkay wahaabi oo idil ayaa hoosta puntland ka maamula. waliba xoogoodu waxuu u badan yahay mudug. puntland ayeey fashilayaan si ay beer laxawsi uga heelaan bulsha weynta dhufaasan oo garanahayn shaxda ay cayaarayaan si ay u hanaantaan hogaanka puntland. bal halkee bay reer puntland halyey u raadsan ina yey waa isaga akhiro u sadcaalaye. qaybtiil labaad ee 1992 ayaa mar aan fogayn fagaaraha looga faakihaysan. Psawen waa wahaabi weyn

  2. Haliye says:

    PUNTLAND madaxweyne ayay leedahay isaga ayaa ka masuul ah wixii saxma iyo wixii khaldama labadaba, Psawen waxay ahayd inay madaxda PUNTLAND kala hadlaan cabashada qabaan ee ma ahayn inay GIZ la xiriirto, waxaa meesha kasoo baxay isku dhex yaac.

  3. Haliye says:

    Haduusan madaxweyne Gaas talaabo qaadin oo bulshadu arkin raali buu ka yahay tan iyo tii wadada Gaalkacyo iyo Garoowe u dhaxaysaba.

Leave a Comment