Somaliland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada deegaanka Tukaraq, Maxayse damacsan tahay.

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ay ciidamada Somaliland wadeen saacadihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ciidan, una muuqdaan kuwa doonaya in ay horey uga durkaan goobaha ay joogaan.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamada Somaliland isku fidinayaan dhulka dhoodida loo yaqaano waqti xaadirkan iyo galbeedka Gobalka Sool oo ay tagayaan deegaano cusub.

Isku dhacyo kooban ayaa shalay dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland, kaas oo labada dhinacba khasaare kasoo gaaray.

Dhaqdhaqaaqa cusub ee Somaliland ayaa la sheegay in uu yimi, markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu tagay magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag.

Sidaas oo kale xogo laga helayo gudaha ciidamada Somaliland ayaa sheegaya in ay gogol u tahay booqasho qarsoodi ah oo Masaxweynaha Maamulkas kutagayo gobalada Barriga ee maamulkiisa.

3 Comments

  1. Haliye says:

    GAAS waxba iska celin maayo reer PUNTLAND na gardaduub buu u qabtay oo wuu diiday inay dagaal qaadaan.
    Waa shisheeye kalkaal wuxuu hoos kala shaqeeyaa Somaliland iyo kooxda PUNTLAND neceb ee Xasan culusow

  2. Abdiweli says:

    In Gaas ku difaco mahee adugu kalintaada ma kasoo baxday oo difaaca dalkaaga safka hore ma u gashay.

  3. Abdiweli says:

    Hadii Gaas lasoo dardaro maxaad samayn???? Ma sidii bilistii baad balanbalyee ku barooran

Leave a Comment