UPDATE: Loolanka Madaxtinimada Puntland oo hadda ka bilaabanaysa Gudaha & Musharax ka dagaya Boosaaso

BOOSAASO(P-TIMES)- Hardanka Madaxtinimada Puntland ayaa ka bilowday gudaha mandiqadaas, xili xasaasiyad gaar ah oo dhanka siyaasadda ah ay ka jirto Soomaaliya oo dhan, waxaana ilaa hadda musharaxnimadooda la og yahay in ka badan 12 Musharax oo qaarkood ay ku jiraan xubno katirsan dawladda talada haysa.

Loolanka ugu badan ilaa hadda la xaqiijiyey waa midka xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha & Kuxigeenkiisa cusub, waxaana faragalin ba’an ku haya musharaxiinta qaarkood oo Malaayiin Dollar u adeegsanaya soo bixitaanka Xildhibaanada ay wataan.

Qorshaha loolanka Xildhibaan raadinta ayaa gaaraya Boqolaal Kun oo Dollar, oo ay qaadanayaan shaqsiyaadka leh saxiixyada iyo kulamada gaar-gaarka ah, halista ugu badan ayaana la saadalinayaa in aykasoo wajahan tahay arrintan.

Musharaxiinta ayaa baraha bulshada iyo gudaha magaalooyinka ka bilaabay loolankooda, waxayna isku muujinayaan wax kasta oo ay awoodaan, iyagoo isticmaalaya aaladaha Facebook-ga iyo warbaahinta gudaha.

Mid kamid ah ragga sida weyn ugu loolamaya Madaxweyne-nimada Puntland ayaa maanta kasoo dagaya Boosaaso, Faarax Cali Shire wuxuu soo ahaa wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Faroole, wuxuu wajahayaa tartan culus, waxaana soo dhaweyn loogu sameyn doonaa Boosaaso.

Faarax wuxuu tartan adag la galayaa Musharaxiin inta badan lagu tiriyo in ay yihiin OOD-WADAAG dhanka Beelaha, isagoo ay wajahayaan caqabado waa weyn oo ay kamid yihiin gobalka uu kasoo jeedo ee Barri oo laga doonayo in uu taageeradiisa haysto.

Malaayiin Dollar ayaa la qorsheynayaa in uu doorashadan ay ku baxdo, waxaana lacagaha ugu badan ay aadi doonaan sidda la saadaalinayo Xildhibaanada, gudaha magaalooyinka iyo Warbaahinta oo aad loo adeegsanayo.

Leave a Comment