Askar ka tirsanaa Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo hadda lagu toogtay Boosaaso.

BOOSAASO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in goor dhaw lagu toogtay bartamaha magaalada, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo magaaladaas.

Wararku waxay sheegayaan in weerarkan lagu qaaday bartamaha magaalada Suuqa Boosaaso, oo ladilay hal askari, halka ay dhaawacmeen 3 qof oo uu ku jiro Askari kale.

Askarta la weeraray ayaa la sheegay in ay ahaayeen ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland, waxaana ilaa hadda aan jirin faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa.

Falkan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso, xili ay ciidamadan heegan ku jireen, waxaana ay ilaalo ka hayaan agagaarka dawladda Hoose ee magaalada, oo uu kusugnaa xiligaas Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kooxihii ka dambeyey falkan ayaa baxsady sidda ay sheegayaan wararku, waxaana socda howlgalo ay wadaan ciidamada Amniga.

FAAHFAAHINTA GOOR DHAW LA SOCO

2 Comments

  1. Badar says:

    Miyaan la xallin ninkii ilaalada gaas ee ay isku reerka yihiin Ku dileen baran?.
    Army tahay aarsi kaa dabo socdo.
    GAAS ASAGA MEESHII TAGOBA DIL BAA KA DHICIN ANI WAABA YAABANAHAY,NINKAAN MEESHUU ISTAAGABA DHIIG KU DAADAN.
    BARAN,HADANA BOOSASO.

  2. axmed says:

    Nacaskaan halka ra,yi ku qorey ee wax aan meesha ooleyn ka hadlaya , wax edeb daran baad tahey, adey aheyd in lagu khaarijiyo keleb.

Leave a Comment