Ciidamadii ugu badnaa oo lagu soo daadiyey gudaha Gaalkacyo, Bandow deg deg ah.

GAALKACYO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa lagu soo daadiyey waxaana ilaa hadda la xiray inta badan jidadkii magaaladda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa oo katirsan kuwa gaarka ah ee difaaca Puntland iyo kuwa isku dhafka ee magaalada Gaalkacyo ay hadda xireen gabi ahaanba meheradihii Ganacsiga.

Saraakiisha ciidamadu wey ka gaabsadeen in ay arrimahan ka hadlaan, waxaana wararku sheegayaan in ay baaris kuhayaan arrimaha kuwajahan dad laga shakisan yahay.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa faraha ka baxay, dad ayaana la dilay ilaa haddana tuugada Mobilada furata ayaa dhib kuhaysa dadka magaalada taas oo ay aad uga hadleen laamaha ammaanka.

Duqa magaalada Maxamuus Yasin Tumay ayaa kuhanjabay in ay gacan bir ah ku qabanayaan Amniga magaalada, cidii la qabtana wuxuu sheegay in ay cadaaladda horkeenayaan.

 

2 Comments

  1. Abdiweli says:

    Waa iska sheekadii raqiiska ahayd ee reer muduga. Argagixisihii lasoo qabto walaakis ina libax san ka taabte ayaa xabiska kasoo furan.

  2. Abdiweli says:

    Hadii aan wiil is waalaba waabiye loo helin wareer iyo walwal ayaa waa kasta lagu waabariisan.

Leave a Comment