Dagaal culus oo qarxay, Dhimasho Isbitaalada la geeyey & Madaafiicda oo socota.

KISMAAYO(P-TIMES)- Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo ay isku aruursanayeen qaar kamid ah ciidamada Al- Shabaab oo kuyaala deegaanada Janaa Cabdalla iyo Harboolle ee gobalka Jubbada Hoose, waxaana la dilay in ka badan 18 dagaalame, sidda ay baahisay warbaahinta Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in ay howlgalkan ciidamada Jubbaland qaadeen, ka dib markii la ogaaday in ay isku dayayaan in ay weeraro ku qaadaan saldhigyada ciidamada maamulkaas.

Warbaahinta JubbalandTv ayaa tabisay in weerarka qorsheynaa laga gaaray hadafkii laga lahaa, lana burburiyey labo Saldhig oo ay kooxahan ku sugnaayeen, lana dilay in ka badan 18 Dagaalame, kuwaas oo katirsanaa kooxda Al- Shabaab.

Xogaha la helayo ayaa cadeynaya in ka hor intii uusan bilaaban weerarkaas ay ciidamada Jubbaland ogaadeen macluumaad dhameystiran oo la xariira is aruursiga iyo ku sugnaanshaha goobahan ee kooxaha Argagixisada ah.

Ciidamada Jubbaland oo kaliya ayaa la xaqiijiyey in ay fuliyeen weerarkan, waxaana muuqanaysa in ay Jubbaland hadda isku diyaarinayso howlgal dhameystiran oo ka dhan ah kooxda Argagixisada ah ee Al- Shabaab.

Leave a Comment