WAR DEG DEG AH: Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka socda Duleedka Cadaado.

CADAADO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya Koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa sheegaya in uu dagaal aroornimadii hore ee saaka dhexmaray ciidamo katirsan Galmudug oo kabaxay Gaalkacyo iyo kuwa dawladda Faderaalka ee kusugnaa duleedka magaalada Cadaado.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu sababay dhimasho iyo dhaawac waxaana wararku sheegayaan in wali la maqlayo hubka labada dhinac ay isku ridayaan.

Wararka ayaa sheegaya in uu dagaalkan bilowday ka dib markii ay ciidamada kusugan Duleedka Cadaado is hor istaag ku sameeyeen ciidamada kayimi dhinaca magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa cadeynaya dhimashada 2 qof oo ah dhinacyada dagaalamaya, waxaana cabsi laga qabaa in uu isku dhacan sii weynaado.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay oo faahfaahin ka bixisey dhacdadan, waxaase la og yahay in khilaafka siyaasadeed ee madaxda Galmudug uu halis cusub abuuri karro.

Leave a Comment