Dagaal gaadiid oo ay lahaayeen ciidamada Somaliland oo hadda lagu qabsaday Jiidaha Hore.

CEERIGAABO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas saaka lagu qabsaday baabuur ciidan oo ay lahayd Somaliland, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey in labo kamid ah baabuurta ciidamada oo mid qori saaran yahay ku jiro, hadda ay ku biireen Jabhadda Col, Caare ee kasoo horjeeda maamulka Hargeysa.

Wararku waxay cadeynayaan in kooxaha ka dambeeya afduubkan ay ahaayeen saaxiibada Korneylada Caare & Jamaal Baaxad oo labaduba ka soo horjeeda ciidamada Somaliland, horey uga tirsanaa.

Saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa ka gaabsaday in ay arrimahan ka hadlaan, waxayna sheegeen in ay baaris wadaan oo ay ka dib saxaafadda la hadli doonaan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

Leave a Comment